Xirfada Macalinimadu ,Waxey ay kamid xirfadaha ugu muhiimsan aasaaskana u ah Nolosha Bulshooyinka . macalinku Barbaariyaha ,hagaha iyo Weliba Maan cariyaha Dhalaanka ,waana Hagaha iyo Horseedka Cidda uu Waxbarayo .Waa injineer bulsho oo Dhisa Dhimirka iyo Dhugaalka ardayda Uu barbaaarinayo ee Gacantiisa ku jira .
Hadii La Qiimeeyo oo Maskaxdiisa La Dejiyana waa : koriyaha garaadka ,dhaqanka ,Xirfadaha iyo qaayasoorida Bulshada wax Barata . Kaalin kasta Oo muhiim ah Cidda Buuxineysana Tayadeedu waxa ay ku xidhan tahey ,tayada macallinka Uuu soo marey Kaalina lama buuxin karo - Dhakhtar la heli maayo dadka daweeya ,injineer wax dhisa ,hoggaamiye wax hilaadiya ,hadii aan macallin la helin ,Hadii aan kaalmahaa La buuxin oo aan ciddoodii La helina lama horumari karo .
Sidaa aawadeed , waxa loo kala hormarsan yahy sida loo kala Macallimiin helid badan yahey ,Loona kala macalimiin wanaagsan yahey *
Haddaba ,waa kee macalinka loo baahan yahey in Uu hawshaa qabto , ee saamaynta lihi ? Waa su'aal Mudan in Loo dhugyeesho ,taxdiidka iyo tayooyinka Oo La Ogaado Lana fahmaa Waxa ay keenaysaa in aan cidina Booskeedii mid aan aheyn ; Aanay ku habayaamin . Dhanka kale ,Cidna in aan La dhaafsiinnnin kaalinta uu Nolosha kaga jiro , Oo aan Loo tallaabin Meel aan ku munaasib aheyn
" Nin iyo meeshii uu ku habboonaa , meesha haboon nin ku habboon baa yeelanaya . " Raacidda qaaciidadadni Waxa ay inoo Keenaysaa in aynu Ogaanno Macalllinka aynu ka hadlayno , Macalinka Loo Baahanyey Waa midka yaqaan Halka UU joogo iyo Waxa ay tahey in uu qabto .Cidda uu La shaqeynayo iyo sida Loola falgeli karo ee ugu Wacan iyo ardayda uu wax barayo iyo sida ugu habboon ee aqoonta iyo waaya -aragnimada Loogu gudbinayo . Waxa uu aqoon dhab ah u Leeyahey Maaddada uu Bixinayo ,Ee ma aha mid ku dul baranaya ardeyda , Dul -ka xaadis uu bawsadeyna ardeyda La hor yimaada .khibrad hirbaaceedu fog yahey buu u leeyahey Maaddadiisa iyo dariiqooyinka lagu gudbin karo ee ku munaasibsan , isaga oo tixgalinaya degaanka uu joogo ,qalabka laga helayo ,ardeydu heerka ay fahmayaan iyo jidka ugu Fudud ee uu hiraalkiisa ku Gaadhayo.
Astaamaha Macallinka Waxtarka leh !
Sida loogu Maahmaaho in raggu , " Muuqa,Magaca iyo Magta uu ka siman yahey " baa macallimiintuna magaca u wadaagan , Una kala yihiin macalllinkii loo baahnaa ee dheefta -lahaa iyo mid la magac ah ,oon saamayn iyo samata -bixin toona laheyn .
Inkasta oo ay tiro badanyihiin ,degaannaduna ku kala duwan yihiin oo dhaqan bulsheedku jaaangooyo,haddana waxa jira Astaamo Door ah oo la isku raacsan yahey in looga baahan yahay macallinka wanaagsan .
Haddaba haddi aynu soo koobno , si guudmar ahna u tibaaxno gantoob yar oo aynu kasoo garoocayno astaamaha tirada badan ee La isku raacsan yahey qaarna lagu kala soocan yahay bal hadda aan wax ka xusno :
1: Cashar diyaarin : macalllinka wanaagsani ma aha , mid iska socda qorshe La'aan . inta uu fasalka yimaaddo uun cashar ku Cusub oo aanuu hubin wax ku duugan iyo waxa ka soo bixi kara iskama bilaabo . Hore ayaa uu u soo qaabeeyaa , hannaaanka cashar- diyaarinta ( lesson plan format) inta uu raaco ayaa uu ujeeddooyinka casharka ,casharka laftiisa , waqtiga loo baahan yahay in lagu dhigo oo ku sargo'an ka xiisadda iyo habraaca Loo dhigayaba soo qaabaystaa marka uu dhigana , waxa uu sii hilaadiyaa haddii uu sida uu ugu talo galey u fulo , midhaha kasoo bixi doona. intaas uun ma aha ee waxa uu diyaarsadaa , toddobaadka kalka iyo sanad dugsiyeedkaba hawsha uu qaban doono . hawlqabadkaas dheer ( scheme of work ) oo sahlaya in si fudud loo garto waqtiga casharrada la doonayaa dhammaanayaan ; si loo soo kabi karo dhacdooyinka aan qorshaysneyn ee markasta dhexdiisa dhaca
2: Waxa uu ku qanacsan yahey hawsha uu hayo : macalinka fiicani ma aha mid ka hanqal taaga hawsha uu hayo ,oo ay u soo hiraaan muuqaalo kal .Ma aha qof Laab La kac Ku nool oo Hadba Laaca fiilaa hodi karo , inta aanu hirka tiigsanin Waxa uu hubiyaa oo uu ka Baaran dagaa huqda iyo halaanhalka ka Iman kara.Waxa uu dhab u yaqiinsanyey hawsha uu bulshada u hayaa Qiimaha ay Leedahey - waxa ay gasho iyo Waxa ay gudo . Hunguri ,maaljacayl ,iyo Mansab doonnimo Waxaa kala qiimo badan helida iyo hanashada quluubta Dadka iyo ixtiraam koda . Waxa uu ogyahey in xirfadan dhaqaale laga samaynin,ee magac iyo meeqaam sare laga dheefto ;waayo Dadkuba wa in aad wax bartey ,in aad waxbareyso iyo intii Dadkan soo saartey Uun.
3: Waa hage iyo hanuuniye : baraha fiicani waxa uu haggaa oo hanuuniyaa bulshada . Waa shamac u ifaya sidii uu dariiqi uugu iftiimin lahaa bulshadiisa .sida marar badan loogu tusaaleysto ,waxa uu ogsoonyahey in isaga jidkiisu bulshada raaceyso ,Qaladkiisuna qaaladka dadka kale ka weyn yahy Tsaalaha aynu sheegayney in lasoo Qaato," hadii digtoorku qalad galo, Waxaa naafooba ama dhinta qofka marka uu qaladka ka galey gacantana uu ku hayo." hadii injineer qaldamona waxa markaas duma guriga uu marka isagu gacanta ku hayey
4:waxa uu Leeyahy xirfad maareyn need